Maxaad kala
socotaa xaqiiqooyinkii markabka TITANIC filimkii laga sameeyay iyo
markabkaba
Waxaa
jiray hishiis weyn oo qoto dheer oo hoos yimaada sheekada TITANIC
hadaba si aad wax ugu ogaato xaqiiqooyinka muhiimka ah khasaaro iyo
nolosha markabkaasi weyn ee titanic waxan rajeynayaa in wax qiime leh
aad ka heli doonto hadaad xiiseyneyso.
TITANIK waa filim
mareykan ah oo la sameeyay sanadii 1997dii , wuxuuna ahaa nuuca
DARAMAHA loo yaqaan , waxaana sheekada filimkaasi qoray nin la
yiraahdo JAMES CAMERON isla issaga ayaana soosaare ka ahaa, Aktarka
filimkana wuxuu ahaa LEONARDO DECAPRIO halka atariishduna ay aheyd
KATE WINSLET.
Qoraaga filimkan
ayaa qorista filimkan bilaabay sanadii 1995kii wuxuuna ahaa ninkii
ugu horeeyay filim nuucaa ah ku dhiirada in uu sameeyo isagoo
doonayay in uu ku gaadhsiiyo fariin shacuureed masiibadii laga
dareemay iyo sheeko jacely u dhaxeysa khasaaraha biniaadamka oo noqon
lahaa lagaga maarmaan.
19kii Bishii
December 1997kii ayey aheyd markii si rasmi ah loo daawado flimka
TITANIC wuxuuna gaaray guulo waaweyn waxuu helay filimkaa
magacaabista ACADEMY AWARD , wuxuu ku guuleystay 12 jaaiso oo ay ku
jirto abaalmarinta BEST PICTURE iyo BEST DIRECTOR waana filimka
kaliya ee hal mar kuwada guuleystay abaalmarinada OSCOR , ku darso oo
filimka TITANIC waa filimka kaliya caalamka gaaray calamada bilyan
doolar , wuxuuna ilaa waqtigan wili yahay filimka ugu weyn ee
waqtigan nuuciisa oo kale, Soosaaraha filimka CAMERON wuxuu dhaafay
soosaarayaal badan sumcad weyn ayuuna ku yeeshay caalamka.Sanadkii
2012 ayaa lagu soo saaray aalada 3D.
Filimka TITANIC
lacagta ku baxday ayaa ka badan lacagta lagu sameeyay markabka
TITANIC waxaana lagu qiyaasaa in ay ku baxday 200 milyan oo doolar
halka markabaka lagu sameeyay 184 milyan oo doolar.
Qiimeynta
filimada ee waxa loo yaqaan BOX OFFICE sanadkii 2012 wuxuu kasbaday
aduun lacageed oo gaaraya $658,672,302 gudaha waqooyi ameerika kaliya
iyo caalamka kale oo laga uririyay $1,526,700,000 mudo 12 sano ah
gudohood.
Cabdirka markabka
dhererkiisa wuxuu ahaa 269.1 mitir ( 882 feet 9 inches.
Qadarka dhuxusha
lagu isticmaalayay maalintii wuxuu ahaa 825 – oo tan
Qiyaasta Tirada
saxda ah ee laambadaha nalalka ee ku xernaa markabkii tatanic waxey
aheyd 10,000 laambad.
Qarashaka ku
baxay dhismaha markabka titanic $7,500,000
Tirada shaqaalaha
ku dhintay markii la dhisayay 2 ruux
20 faras ayey
noqotay in la saaro markabka
Tirada ugu badan
uu qaadi karo markabka titanic 3,547
Tirada dadka
saarkaa rakaabka iyo shaqaalaha 2,223 .tirada lamaanaha ku jray
bisha malabka oo aroos ahaa 13 ruux.
Koobabka biyaha
lagu cabo 24 kii saacba waa 14,000 ,
Tirada Ukun (
beed ) cusub ee markasta 40,0000
Tirada khamrigii
saarnaa markabka titanic waxey aheyd 1000 dhalo.
Tirada doomaha
yaryar ee markabka lagu qalabeeyay waxey aheyd 64 ,waxeyna halkii mar
qaadi kareysay halkii doon 65 ruux.
Tirada digniin
heshay markabka inta uusan qarqamin waxey ahaayeen 6 ruux kaliya
160 daqiiqo ayey
qaadatay markii uu barafka ku dhacay 2 saac iyo 40 daqiiqo
Heerkulka biyaha
badda wuxuu ahaa 2 centigrade. Markabkaasi oo aad u weynaa kana
koobnaa dhowr dabaq oo si aad ah loo qurxiyay dadka saarnaana ay u
badnaayeen maalqabeen ayaa 31.6 boqolkiiba tirada guud e rakaabka iyo
shaqaalaha ayaa ka badbaaday, sidoo kale eeyihii badnaa ee ay wateen
maalqabeenada waxaa ka badbaaday 2 kaliya.
Xogta iyo
sheekada filimka iyo markabka titanic kuma eka inta aan soo qoray
kaliya tanina waa qeyb kooban oo aan ugu talagay in faham laga qaato
cidii dooneysa.
W/Q Siciid Xagaa
Afrax.
Journalist
Source
Wikepedia,and other sources.

No comments:
Post a Comment