Sunday, February 7, 2016

DUMARKA IYO WIXII LAGA QORAY QEYBTII 3AAD W/Q SICIID XAGAA

            Dumarka iyo wixii laga qoray Q/3aad. Waxaa Qoray Siciid Xagaa.


Waa qeybtii sedaxaad warbixinadii taxane ahaa oo laga qoray dumarka waxaana maanta idin soo gudbinayaa qeybtii sedexaad.

Valentina Vassilyev oo ah haweeney Ruush ah,waa haweneydii ugu horeysay ee dhasha 69 caruur ah. Iyadii 16 jeer umushay mataano laba laba ah. todoba jeerna waxey dhashay mataano sedex sedex ah. Afar jeerna waxey umushay min afar afar caruur ah. Taasi oo  micnaheeda tahay in 27 jeer ay dhashay 69 caruur ah waxeyna u dhashay hal nin kaliya.
4 x 4 = 16
7 x 3 = 21
16 x 2 = 32
----------
27 caruur

Markii ugu horeysay ee dumarka loo ogolaado in ay ka qeyb qaataan ciyaaraha Olonbikada waxey aheyd sanadkii 1900.
Lixdii dumar ah mid ayaa tacadi galmo loogu geystaa dalka mareykanka.
Dumarka ayaa 19 jeer ka badan ilbiriqsiga marka la barbardhigo ragga, waxaana ugu badan dumarka da’doodu u dhaxeysa 20-30 sida uu qoray webka ncbi.nlm.nih.
Dalka Nayjar dumarka ku nool ayaa heysta qoysaska celceliska aduunka oo dhan caruur wuxuuna qoys walba heystaa 7 caruur ah.

Xagga cimriga dumarka ayaa ka cimri dheer ragga waxaana lagu sababeeyay difaaca jirkooda dhinaca da’da oo si degan u shaqeeya. xagga qurxinta tinta ayaa la sheegay in dumarka ku nool ingiriiska ay 150 nuuc oo kala duwan u isticmaalaan noloshooda .
30% Ganacsiga ugu badan ee dalka mareykanka waxaa milkayaddooda leh Dumar. Dhinaca kale isla dalka mareykanka 13kii daqiiqo waxaa kansarka naasaha u dhinta qof dumar ah.

Warbixin uu qoray sanadkii 2015 wargeyska the Washington post ayuu ku sheegay wadamada Jamaica, Colombia, and Saint Lucia. Sedexdaa wadan oo kaliya dumarka ku nool in ay qabtaan xilalka sare sida madaxda waxeyna la siman yihiin ragga.

Shirkadda caanka ah ee filimada sameysa HOLYYWOOD ayaa mar soo martay in dadka loo yaqaan screen writer ay ugu badnaayeen dumar. Waxaana laga xusi karaa gabadha loo yaqaan Frances Marion taasi oo aheyd gabadha ugu badan waxeyna qeyb weyn ka qaadatay Filimkii The Big House.
Dhinaca dhididka ragga ayaa laba lab ka dhidid badan dumarka sidaasi waxaa qortay mareegta http://discovermagazine.com

Magaalada MIAMI waa magaalada kaliya oo ka mid ah afarta magaalo ee ugu weyn mareykanka waxey ku taalaa koofur bari gobalka FLORIDA waxaa markeedii ugu horeysay heshay qof dumar ah.
Waxaan warbixintan qeybtan ku soo koobayaa hadalkii raiisal-wasaarahii hore ee ingiriiska
Margate Thatcher hadalkeedii ahaa “ Haddaad dooneyso wax la yiri weydii ragga, haddiise aad dooneyso wax la sameeyay weydii dumarka”

La soco qeybtii afaraad uguna danbeysay  dumarka iyo wixii laga qoray  insha allah Axadda danbe 14ka bisha 2aad 2016.
FG: Wixii aan habooneyn ee aad ku aragtaan habka qoraalka iyo xogtaba ka raali ahaada.
Waxaa diyaariyay Siciid Xagaa Afrax
Sxagaa@hotmail.com


No comments:

Post a Comment