Sunday, January 24, 2016

DUMARKA IYO WIXII LAGA QORAY Q/2AAD W/Q SICIID XAGAA.

ASC. Ku soo dhawaada qeybtii labaad waxbixinadii taxanaha ahaa ee ku saabsanaa dumarka iyo wixii laga qoray waxaana idin soo gudbiyaa maalin kasta oo axad ah maantana waa qeybtii labaad.

Mala socotaa markii ugu horeysay ee loo ogolaado in dumar ka qeybgali karaan ciyaaraha Olombikada adduunka in ay aheyd sanadkii 1900.

Bishii oktoobar ee sanadkii 2015 waxaa mareegta heart.org lagu soo daabacay warbixin cudurka wadno xanuunka waxaana kaalinta koowaad galay dumar marka la barbardhigo ragga, halka laga dareemo ayaa ah cudurka wadno xanuunka Xabadka.

Buugga lagu qoro dhacdooyinka caalamka ee World Gunies Record ayaa lagu qoray tiradii ugu badneyd ee abid qof dumar ah lagu diiwaan geliyo in ay aheyd hal hooyo oo dhashay 69 caruur ah hooyadaa oo lagu magacaabayay Valentina Vassilyeva oo u dhalatay dalka ruushka waxay dhashay 16 lammaane( mataano ) iyadoo dhashay 27 jeer ( goor )
4 x 4 = 16
7 x 3 = 21
16 x 2 = 32
----------
27 69 dhalashada carruurta.

Ma ogtahay in dumarka ay ka fikiraan muuqaalkooda 9 jeer maalintii oo dhan marka leysku celceliyo sidaasi waxaa lagu qoray wargeyska dailymail.

Dhamaadkii sanadkii 2013 ayaa cilmi baarayaal u dhashay dalka mareykanka kana tirsan jaamacadda Washington University ayaa sheegay in dumarka marka ay caadada ka maydhaan ( qubeystaan ) ay uur ku qaadi karaan muddo 5 ilaa 8 maalmood haddii ay la kulanto jinsigii ay u baahneyd. ( NIN )

Wargeyska dailymail ee ka soo baxa dalka ingiriiska ayaa lagu qoray in dumarka UK cilmi baaris lagu sameeyay celcelis ahaan gabadha ingiriiska ah ee 30-sano jirka ah ay leedahay 21 shandadaha ( Boorsada ) dumarka gacanta ku qaataan iyagoo iibsada mid cusub saddexdii biloodba mar. Taasi oo ka dhigeysa ilaa wax ka badan 111 iyagoo dumarka ku qarashgareyaan suuqa guud ahaan wax ka badan £ 8,000 ( sideed kun oo Yuuro )

Shan boqolkiiba kuwa la waraystay xitaa qirtay in lahaanshaha in ka badan 100 waqtiga xaadirka ah. Bixisaan oo celcelis ahaan ku boorsadaada kasta waa £ 76, laakiin, dabcan, qiimaha fogaan ka badan in.

Dumarka dhaadheer ayaa u nugul in uu ku dhaco Kanser. Daraasadii u danbeysay ee laga ururiyay dalka Mareykanka laba sano ka hor ayaa natiijadan soo saartay si la mid ahna ayaa laga helay dalalka kale ee reer Galbeedka, oo ay ku jirto United Kingdom ,Kanada, iyo Aasiya. Meelaha uu dumarka dhaadheer ugu dhaco kansarka waxa ka mid ah mindhicirka, xiidmaha, malawadka, naaska, iyo kelyaha.
10 sintiimitir kasta oo ah 4 inch – dumarka dhaadheer wuxuu la xiriiraa korodhka 13 boqolkiiba oo ah khatarta guud ee kansarka, sida laga soo xigtay falanqaynta ay kooxo dumar ah oo gaaraya 144.701 lagu sameeyay kuwaa oo da'doodu u dhaxeysay 50 ilaa 79 .sidaana waxaa baahiyay talefishinka dalka mareykanka ee ABC.

Dumarka qaarkood waxay yeelan karaan hidde- hiddahaas kaas oo keena in arkaan malaayiin midabo kala duduwan ah. Dr. Gabriele Urdun, oo ah cilimi baare jaamacadda University Newcastle ee dalka ingriiiska ayaa cilmi baadhis uu ku sameeyay midabada aragga ee dumarka wuxuu ku sheegay in ay awoodaan in ay aqoonsadaan khiyaanooyin kala soocaya midabka computerka dumarka hidda raaca leh waana %2. waxaa sidaasi lagu qoray wargeysaka Huffingtonpost

Ma ogtahay in wadnaha dumarka uu xagga garaaca ka dheereeyo ragga. Wadnaha dumarka ayaa celcelis ahaan sameeya garaac dhan 78 garaaca daqiiqadiiba halka ragga wadnahoodu uu garaaco cecelis ahaan 70 garaac.

Gabadhii ugu yareyd ee caalamka ee la furay inta la diiwaan geliyay ayuu qoray Majaladda ( Todobaadlaha ) TIME ee ka soo baxa daka mareykanka in ay jirtay 10 sano. Gabadhaa ayaa magaceeda la yiraahdaa Nujood Ali waxeyna u dhalatay dalka YEMAN.
La soco qeybta seddexaad insha allaah maalinta axadda. 31.01.2016 fadlan wixii talo iyo tusaale ah iigu soo dir emeylka hoose. mahadsanid

W/Q Siciid Xagaa Afrax.



No comments:

Post a Comment