Yaa meel uun aduunka
ka mid ah ku arkay ama ku maqlay cid iibineysa RAAXO Lacag kasta ha
joogtee ? Ma jirtaa cid heysata oo si uun ku soo gashay ?
Hooyada caruurteeda wey tuntaa laakiin cid kale uma ogola.
Qormadan kuma
saabsana dumarka maxey jecel yihiin maxeyse neceb yihiin ? Waxaanse
soo bandhigi doonaa sahmin ama daraasado laga sameeyay meelo kala
duwan oo caalamka ah 10kii sano ee u danbeeyay. Waxaadan ogeyn oo aad
barataa waxey qeyb weyn ka qaadataa aqoonta aad u leedahay haddii
sheeko ama shaahidba aad ku aragto.
Warbixintan ma ahan hal dhinac oo
kaliya waa qeybaha kala duwan ee ay ku lug leeyihii dumarka waaan
qeybtii koowaad qormooyin taxane ah oo aan ka diyaariyay.
Dalalka dhaqaalaha
caalamka ku hormaray sida Mareykanka faransiiska ingiriiska ayaa ka
mid ah meelaha daraasadahan aan isku soo ururiyay laga sameeyay
kamana marna AFRIKA.
Hay'adda amnesty
international ayaa ku daabacday webkeeda amnestyusa.org in 90kii
ilbiriqsi ama daqiiqad iyo badhkiiba ay hal dumar ah u dhimato sabab
la xidhiidha xiligga uurka ama dhalmada taasi oo ka dhigan 350,000 oo
Dumar ah ay sanad walba u dhintaan xaaladahaa.
Labaatanka dumar ah
ee ugu qanisan ama ugu taajirsan adduunka lacagta ay heystaan waa
kuwa ay ka dhaxleen waalidkood ama raggooda sidaana waxaa lagu qoray
websitka forbes.com.
Dhinaca hadalka baaritaan ay sameysay Jaamacadda University of
Maryland laba sano ka hor ayey ku ogaasdeen in dumarka maalintii ay
hadlaan 20 kun oo eray taasoo micnaheeda tahay in ragga ay hadlaan
celcelis ahaan maalintii 13 kun oo eray sidaasi waxaa lagu daabacay
wargeyska Dailymail.co.uk oo ka soo baxa dalka Britain.
Qiyaasihii u
danbeeyay ee laga sameeyay dalka ingiriiska waxaa lagu ogaaday
dumarka ingiriiska in ay heystaan 19 kabaha ay xidhaan laakiin 7
kaliya ay ka isticmaalaan inta kale ay guriga ayey iska yaalaan.
Dalka
ruushka dumarka ku nool waxey sagaal milyan ka badan yihiin ragga ku
nool ruushka dhamaan dumarkaasi ayaa ku nool dhulka beeraha leh ee
aan magaalooyinka aheyn.
Xarunta
ilaalinta cudurada iyo ka hortaga dalka mareykanka ee magaceeda loo
soo gaabiyo ( CDC ) Center for disease control and prevention ayaa
soo saartay warbixin ku saabsan in boqolkiiba afartan 40% caruurta ku
dhalata dalka mareykanka ay dhaleen dumar aan la guursan ( ku dhalay
sifo aan sharci aheyn )
Dhamaan
dumurka caalamka ku nool ayaa ka go,an xirashada dhar ay jeclyihiin
ugu yaraanna waxey ku bixiyaan sanad. dharkaa ayaa isugu jira kuwa
meesha ay joogta aan laga helin laga yaabee kuwa ag yaal in ay ka
tayo wanaagsan yihiin.
Dumarka
ayaa ooyi kara celcelis ahaan inta u dhaxeysa 30 ilaa 64 goor
sanadkii halka ragga ay iyaguna ooyi karaan 6 ilaa 17 jeer .oohintaa
oo ku timaado hadba xaalad run iyo beenba.
Wargeyska
dailymail ayaa qoray sidan : Ragga maalintii waxey been sheegaan 6
mar halka dumarka ay ku laba jibaarmaan.
Beenta
Dumarka:
- Wax dhib ah ma jiraan waa caadi
- Waa markii iigu danbeysan ma dhaceyso mar kale
- Batariga ayaa iga dhacay sidaas ayaad ii weysay
- Waan ka xumahay wan u xiisay la hadalkaada
- Waan kugu soo dhawahay, waddada ayaa JAM ah
- Mobeylka iga xun mid fiican ma ii iibineysaa
- Hallow hallow waxba ma maqlo malaha waa anteenka
- Waxba ma jiraan xoogaa waan yara xanunsanaya
- Ha werwerin dhinacaaga ayaan ahay
- Maanta madaxa ayaa i xanunaya ( warkaada lama rabo ogow)
- waxba ma cuni karo mar dhow ayaan wax cunay
Qoraal walba dhaliisha iyo amaantiisa ayuu leeyahay fadlan hala xishoon. Qeybtii koowaad qormooyin kookooban oo ku saabsan dumarka halkaa ha inoo joogto la soco insha allaah maalinta Axadda 24ka bishan janaayo 2016 qeybtii labaad.
W/Q
Siciid Xagaa Afrax
Email:
sxagaa@hotmail.com
This comment has been removed by the author.
ReplyDeletemaansha alaah halkaa kasii wad
ReplyDeleteUstaad Aniga waan la dhacsanahay qormadan waxbadan ayaan ka faa'iday hormar wanagsan ayaan kuu rajeynayaa
ReplyDelete