Kaliya ma aha inta
aan halkan ku soo gudbin doono saameynta xun uu reebo fadhiga badan
waase tuse iyo tusaaleyn kooban oo aan ka digayo in la joogteeyo.
Iyadoo la fadhiyo
waqti dheer si aad u dareento raaxo ama nasasho waxey keentaa
waxyaabo aadan iminka ku baraarugsaneyn lagana yaabo in waxyeelo u
geysato nafsaddaada.
Badanaa waxey
keentaa in si qaldan u shaqeeyo jirkaada. fadhigaa waxaa u badan
dadka turubka ciyaara, kuwa shaxda, kuwa gidaarada waqti ku qaata,
kuwa meelaha lagu shaaho saacado badan fadhiya iyo kuwa ganacsiga
kala duwan haya oo shaqadoodu fadhi tahay waxaana u badan dumarka
suuqa fadhiya.
Fadhiga waxaa kaloo
ka mid ah dadka ka shaqeeya xafiisyada oo waqti dheer ama maalintii
oo dhan kursiga ku fadhiya. bal inyar yara feker maalintii oo dhan
waxaan fadhidaa kursi markii aad guriga timaadana haddana waad
fariisaneysaa adigoo oranaya maantoo dhan ayaan shaqo ku jiray waan
soo daalay . haddaba waxaan kuu soo gudbinayaa qodobo kooban oo uu
jirkaada si khaldan u shaqeeyo iyo saameynta uu keeno marka aad waqti
dheer fadhido .
1- Dheef-shiidka.
Waxaa si gaabis ah u
shaqeeya dheef-shiidka sababtoo ah dadka wax ku cuna fadhi hadana aan
kicin ee isla goobtii iska sii fadhiya waxey dhibaato u keentaa
caloosha waxaana si tartiib ah u shaqeeya dheef-shiidka in
dhiif-shiidka uu sidii caadiga aheyd si ka yar u shaqeeyana waxey
sababtaa waxyaabahan :
Calool istaag,
dibiro, laab dilaac ama laab olol, calool majiir ama casiraad iyo
miisaankaada oo kordha haddii taasi tahay caado dheer tusaale
fadhigaada ayaa ka badan socodkaada.
2-Dhibaato qaabka
fadhi xumida.
Haddii aad muddo
saacado badan aad fadhido adigoo marba dhinac isku rogaya ama qoorta
meel ku qabanaya ama xusulka marba ku tiirsanaya ama gacmahaada
qoorta xagga danbe kaga qabanaya , sida caadiga ah marka aad
kunbuyuutar ama mobile isticmaaleyso oo aad saacado badan fadhido
waxaa ku xanuuna qoorta, garbaha iyo dhabarka waxeyna aakhirka
keentaa kow in andhaha aragooda uu yaraado, xididada dhabarka isku
haya uu dhiiga ku guntamo iyo xanuun kaa soo weerara garbaha iyo inta
ku xiran ilaa qoorta.
3- Xanuun Lugaha
ah.
Ma ogtahay haddii
aad waqti badan fadhidid in wareega dhiiga uu xumaado waxaa ka dhasha
xinjiro, barar lugaha ah lafaha oo daciifa iyo mararka qaar xaalado
qatar ah aad dareento. hubi in uu si joogto ah oo firfricoon uu
dhiigaada u wareegayo. tusaale haddii aad daawashada TVga badsato oo
aad kursi ku fadhido ama xarun ganacsi ka shaqeyneyso waxaa yar
fidinta lugaha iyo dhaqdhaqaaqooda waayo wey laaban yihiin ogow inta
lugahaada laaban yihiin waxaad halis u tahay xanuun ku dhaca lugaha
Waxaad u baahan
tahay marka aad saacad fadhidid in aad kacdo oo aad wax yar socoto
waxaad maskaxdaada ka dareemeysaa furfurnaan iyo in uu caajiska kaa
baxay.
4-Murqaha oo
daciifa.
Guud ahaan si kasta
oo aad u xayi u tahay ama aad xoog u leedahay kuguma heyso in aad sii
ahaato mid awood badan leh haddii aadan nasan waqtiga aad u baahato.
naso marka aad shaqo qabato laakiin mid ha hilmaamin in aad
dhaq-dhaqaajiso murqahaada oo aad tuu-tuujiso haddii kale wey ku
taagmayaan tusaale haddii aad saacado taagnaato muqraha waxey u
baahan yihiin in ay nastaan waana la fidiyaa sida kuwa garbaha,
miskaha, dhabarka iyo kuwa lugaha. ogsoonow hadaadan ku dadaalin
murqahaada aakhirka wey daciifaan mana awoodaan in shaqo badan
qabtaan.
Haddab talada kaliya
ee aan kuu hayaa si aad uga badbaado xanuuno kaaga yimaada fadhiga
badan raac talooyinka kooban:
- Waxaad sameysaa socod caadi ah weliba leh waqti maalin walba
ugu yaraan 30 daqiiqo.
- Haddaad xafiis ka shaqeyso is bar in dadka xafiiska kaala
shaqeeya aad lugahaada ugu tagto markaad wax uga baahato intii aad
emeyl u diri laheyd.
- Isticmaal kurisga aan laheyn meesha gacmaha la saarto si
gacmahaada dherer ugu fidsamaan
- Xusuusnow in halkii saacba ugu badnaa 10 daqiiqo aad istaagto
oo socoto isla goobtaada adigoon dheeraan.
- Ka fogow in aad cabitaanka sonkorta leh aad joogteyso waa u
halis caafimaadkaada.
Mahadsanidiin.
W/Q Siciid Xagaa Afr
Source: life-hack health/
Emeyl: Sxagaa@hotmail.com
No comments:
Post a Comment