Sunday, March 20, 2016

Maxaad ka ogtahay qaaradda Afrika. W/Q Siciid Xagaa

                 
Qaaradda afrika waa qaaradda labaad ee ugu weyn iyo qaaradda labaad ee ugu dadka badan marka laga reebo Aasiya.
qaaradda afrika waxey ka kooban tahay 54 dal dalkii ugu danbeeyay ee ka mid naoqdana waa dalka Koonfurta Suudaan.
Afrika marka dhulka ay ku fadhido la eego waxey ka weyn tahay Dalalka Shiinaha, Mareykanka, Hindiya, Meksiko iyo qeyb weyn oo wadamo Yurub ah oo leyku geeyay.
Afrika waa hoyga meel aduunka oo dhan xaywaan ku noolaado waana tan keentay in loogu yeero dhulkii xayawaanka sida Maroodiga oo maalin kasta afrika lagu dilo 96 maroodi iyo Geriga.
Mise ogtahay in magaca xayawaanka Geriga uu ka yimid CARABI kaas oo ah eray ahaan ZARAFAH  (زرافة), Wuxuuna u muuqdaa mid laga soo amaahday luqadda afrikaanka magaca Geri wuxuu u tarjunmayaa ( Socod Dheereeye )

Intii u dhaxeysay sanadkii 1522 ilaa 1886 in 12.5 milyan oo ruux laga afduubtay qaaradda afrika si adoonsi ah waxaana laga iibiyay Ameerikaanka.
Ma ogtahay in  Facebooka uu afrika ku leeyahay Milyan USURES oo wada active ah  , 80% dadka afrikaanka ayaa kaga jira Mobile sidaasi waxaa sheegtay Facebook.
Waddanka Koofur afrika waa wadanka loogu yeero " Rainbow Nation " sababtoo ah wuxuu waddanka leeyahay 11 Luqad oo Rasmi ah 4tii February sanadkii 1997dii ayaa loo aqoonsaday in 11kaa ay yihiin RASMI . Tirakoobka waddanka wuxuu caddeeyay in ISIZULU uu yahay afka hooyo wuxuuna tira ahaan noqonayaa 22.7% dhamaan bulshada koofur afrikaanka ah waxaa ku xiga ISIXHOSA oo ah 16%  waxaa ku xiga AFRIKAANS oo ah 13.5% ENGLISH waa 9.6% SETSWANA waa 8% SESOTHO waa 7.6% inta kale ee soo hartay waxaa loo yaqaan AF GURI waxeyna ka yaryihiin 5% marka loo eego bulshowenta reer koofur afrika sidaasna waxaa lagu daabacay mareegta south.

Ma ogtahay in dadka loo yaqaan SUN ee ku nool koofurta afrika in ilaa haatan ay isticmaalaan agabkii hore kuwaa oo jiray 44,000 sano ka hor.
Mise ogtahay caruurta afrika ku nool ee da'doodu u dhaxeyso 5 ilaa 14 in ay ku lug leeyihiin shaqo  ( caruur shaqeysa ).

Haweeneyda magaceeda la yiraa Graca Machel waa haweeneyda kaliya oo laba waddan oo afrikaan ah madaxweynayaashooda u noqotay xaas waana madaxweyne NELSON MANDELA waddanka Koofur Afrika iyo madaxweyne SAMORA MACHEL  waddanka Mozambique .

Ma ogtahay sanadka markuu ahaa 1998 dii in 11 ciyaaryahan oo u dhashay dalka  KONGO ay dishay BIRIQ ( DANAB ) xili ay ciyaar wada ciyaarayeen laba koxood oo dalkaasi u dhashay waxeyna xiligaa ciyaarta mareysay 1 iyo 1  waxaana ku gubtay 30 kale.

Mala socotaa mise ogtahay in ay jiraan dad badan oo afrikaan ah in ay ku hadla AF FARANSIIS ay ka badan yihiin kuw au dhashay FARANSIIS.120 milyan oo ruux ayaa lagu qiyaasay in ay ku hadlaan qaaradda afrika FARANSIIS waddamada leysku yiraahdo FARACEPHONE wadamadaa waxa aka mid ah CHAT, IVORY-COAST , GABON TUNISIA , MAROCO iyo  ALJERIYA .

Ma ogtahay ciyaartoyda orodada ugu caansan aduunka in ay ka soo jeedaan qabiil aad u yar oo Kenyaan ah laguna magacaabo "Kalenjins.

Mala socotaa In madaxweynihii ugu horeeyay ee dalka Zimbabwe magaciisa la oran jiray President Banana ( Madaxweyne MOOS ) wuxuuna magaciisa oo buuxa yahay Canaan Sodindo Banana isagoo madaxweyne ahaa laga bilaabo  18 April 1980 illaa 31 December 1987. 

Ma ogtahay in calanka waddanka Mozambique uu ku sawiran yahay AK-47 waana waddanka kaliya ee Golaha amaanka xubin ka ah  oo loo ogolaaday in calankooda ka soo muuqdo Hub.

Ma ogtahay marka seddex meelood loo qeybiyo luqadaha adduunka lagaga hadlo in Afrika kaliya Afrika looga hadlo.

Wabixintan ku saabsan Afrika ma aha mid dhameystiran oo koobaysa qaaradda afrika waa warbixin gaaban oo aan si goo-goos ah u sameeyay anigoo ka soo xigtay mareegyo caalami ah oo cilmi baaris ku sameeyay qoraaladooda.

Dhamaan dadka akhristay warbixintan waxaan ka raaligelinayaa wixii qaladaad ah ee ay ku arkaan waa farsamo xumo dhinaceyga ah. MAHADSANIDIIN.
Siciid Xagaa Afrax.
Source: nationonline.org,Southa-Africa information,wikipedia
Email: Sxagaa@hotmail.com
















No comments:

Post a Comment